ugu yaraan hal dagaalyahan oo lagu dilay kadib markii maleeshiyo looga shaki qabo Al-Shabaab ay weerareen saldhig ay ciidanka Puntland ku leeyihiin gobolka Mudug

Saldhiga ciidamada Puntland ee gobolka Mudug. [Xigashada Sawirka: Villa Puntland]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Maleeshiyaad looga shaki qabo Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug maanta oo Arbaco ah, sida ay ku warantay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir.

Ugu yaraan hal nin oo katirsan maleeshiyada ayaa lagu soo waramayaa in dilay sidoo kale dhowr kamid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay waxa ay ciidanka Puntland ugu yeereen “isku day weerar maleeshiyo oo fashilmay”, sida ay ku warantay Radio Daljir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*