Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo bisha soo socota kulmi doona

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. [Graphic: Puntland Mirror]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la kulmi doona dhiggiisa Mareykanka Donald Trump bisha soo socota.

Erdogan ayaa sidaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay taleefishinka Al Jazeera shalay oo Arbaco ahayd, saddex maalmood kadib markii aftidii dastuurka loo codeeyay “Haa” taasoo Madaxtooyada wadanka Turkiga siinaysa awaamiir fulineed cusub.

“Trump waxa uu noogu hambalyeey aftidii iyo codayntii,” ayuu yiri Erdogan.

“Waxa ugu muhiimsan ee aan ka wadahadalnay waxay ahayd arrimaha Suuriya iyo Ciraaq. Waxaa noo qorsheysan bartamaha bisha May in aan kulano oo aan arrimaha uga wadahadalno si waji-waji ah.” Ayuu ku sii daray Madaxweynaha Turkiga.

Axadii lasoo dhaafay dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacday afti dadweyne oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, iyadoo 51.4 boqolkiiba dadka Turkiyiintu ay u codeeyeen “Haa” si loo meelmariyo badelida dastuurkooda Xafiiska Madaxweynahana loogu ogolaado awood fulineed dheeraad ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*