Sideed qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay koonfurta-bari ee Turkiga

Qaraxa oo ka dhacay bartamaha Diyarbakir, oo ah magaalada ugu weyn ee Kudiyiinta koonfurta-bari ee dalka Turkiga. [Sawirka: Aljazeera]
Ankara-(Puntland Mirror) Sideed qof ayaa ku dhimatay tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax weyn oo ka dhacay bartamaha Diyarbakir, oo ah magaalada ugu weyn ee Kudiyiinta koonfurta-bari ee dalka Turkiga, sida uu sheegay Raysulwasaaraha Turkiga.

Raysulwasaare Binali Yildirim ayaa sheegay in labo booliis ah iyo lix shacab ah lagu dilay qaraxa oo dhacay subaxnimadii maantay oo Jimce ah.

Yildirim ayaa sheegay in todobo kamid ah dhaawacyadii hadda la daaweynayo, isagoo intaas ku daray in intii kale laga saaray isbitaalada.

Weerarka ayaa ahaa qarax kaari waxaana lagu qaaday xafiiska guddoomiyaha Diyarbakir, sida uu sheegay RW Turkiga, waxaana uu ku daray in masuuliyada weerarkaas ay sheegteen xisbiga la mamnuucay ee PKK.

Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in qaraxa laga maqlayay dhammaan qaybaha magaalada uuna dhibaato u geystay dhismayaasha ka ag dhawaa.

Qaraxa ayaa dhacay saacado kadib markii ciidamada booliiska ay soo xireen 11 xildhibaan oo taageersan ururka PKK.

Tobonaan kun oo qof ayaa lagu dilay tan iyo  markii ay PKK hubka qaadatay sanadkii 1984-tii, iyadoo ujeedkoodu yahay in ay samaystaan dowlad madax-banaan oo ay leeyihiin Kurdiyiinta Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*