Raysulwasaaraha Itoobiya oo Muqdisho ku tagay safarkiisii ugu horeeyay

Madaxweyne Farmaajo oo Abiy ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta oo Sabti ah tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Abiy ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada hoggaamiye ayaa la filayaa in ay wadahadal yeeshaan saacadaha soo socda.

Waa markii kowaad Abiy uu safar ku yimaado Soomaaliya tan markii loo doortay Raysulwasaaraha Itoobiya bishii lasoo dhaafay ee April.

Raysulwasaaraha Itoobiya ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay safar ku tagay dalalka kuyaala gobolka sida Kenya, Jabuuti iyo Masar.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay aad loo adkeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*