Xaalad abaareed oo daran oo ka jirta dhammaan gobolada Puntland

Hal maraysa dooxada Nugaal bishii April ee 2016-ka [Sawirka: Puntland Mirror/Maxamed Cumar]
Garoowe-(Puntland Mirror) Abaaro daran ayaa ka jira gobolada Puntland iyadoo lagu guda jiro xilli roobaadkii Dayrta, sida ay sheegayaan dadka xoolo dhaqatada ah iyo masuuliyiinta dowlada.

Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in xaalad daran oo abaareed ay ku jiraan.

Maxamuud Ciise Yuusuf oo kamid ah xoolo dhaqatada gobolka Mudug ayaa Puntland Mirror u sheegay in xaalada abaarta ay tahay mid daran haddii Alle uusan roob siina ay xaalada kasii dari doonto.

“Waxaan idiin sheegayaa xaalada maanta ee abaarta waa mid daran dhammaan dhulka oo dhan… waxaa jirta biyo la’aan haysata xoolaha iyo dadkaba,” ayuu yiri Maxamuud Ciise.

“Waxay u egtahay in dayrtii ay baaqatay marka loo fiiriyo tirsiga xilliga, marka xaalada waa darantahay…. Haddii Rabi uusan raxmad khayr noo shubin dad iyo duunyaba waa loo baqaa.” Ayuu ku daray.

Dhanka kale, agaasimaha haayada maareynta musiibooyinka Puntland ee (HADMA) Cabdulaahi Cabdiraxmaan Cayrow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in abaarta ay ka jirto dhammaan gobolada Puntland, isagoo intaas ku daray in abaarta ay saamaysay ugu yaraan 300,000 qoys oo xoolo dhaqato ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*