Ciidamada Ciraaq oo si buuxda magaalada Mowsil uga xoreeyay maleeshiyada Daacish

Ciidamada Ciraaq oo si buuxda magaalada Mowsil uga xoreeyay maleeshiyada Daacish. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Mowsil-(Puntland Mirror) Ciidamada Ciraaq ayaa dib u la wareegay magaalada Mowsil, sida ay sheegayaan wararku.

Raysulawaaraha Ciraaq Haidar al-Abad ayaa maanta oo Axad ah tagay gudaha magaalada Mowsil si uu uga qeybgalo dabaaldega guusha laga gaaray maleeshiyada Daacish.

Ciidamada Ciraaq oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa u dagaalamayay dib u qabsashada Mowsil tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Ciidamada Kurdiyiinta ee Peshmerga, maleeshiyo beeleed Suniyiin iyo Shiico ah ayaa sidoo kale ku lug lahaa dagaalka dib loogu xoreynayay magaalada.

Maleeshiyada Dowladda Islaamiga (Daacish) ayaa sanadkii 2014 gacanta ku dhigtay magaalada Mowsil.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisa Mowsil, Raysulwasaaraha Ciraaq ayaa la filayaa in uu iclaamiyo in gebi ahaanba magaalada laga xoreeyay Daacish.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*