Xasan Shiikh oo sheegay in fadhiga kowaad ee baarlamaanka uu dhici doono 15-ka December

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cadeeyay in fadhiga kowaad ee baarlamaanka Soomaaliya uu dhici doono 15-ka bishaan December.

“Kulanka kowaad ee baarlamaanka waxa uu dhici doonaa 15-ka December, sida qorshuhu yahay.” Xasan Shiikh ayaa sidaa ku yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, xildhibaano ka badan 240 ayaa lasoo doortay. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka kooban 275 xubnnood.

Xildhibaanada cusub ee aqalka hoose ayaa dooran doona madaxweynaha cusub ee Soomaaliya 28-da bisha December, sida lagu sheegay bayaan ay soo-saareen hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho asbuucii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha wakhtigiisu gabaabsiga yahay, Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortay 2012-kii, ayaa u taagan doorasho labaad.

Musharixiinta ugu culus ee la loolamaya waxaa kamid ah Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*