Shirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Shirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo ka furmay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Puntland]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka u dhaxeeya hoggaamiyaasha dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Raysulwasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabelle.

Abaarta daran ee ku dhufatay dalka oo dhan iyo arrimaha ammaanka sida dagaalka Al-Shabaab ayaa la filayaa in ay yihiin ajandaha ugu weyn ee shirka.

Sidoo kale inta uu kulanku socdo, hoggaamiyaasha ayaa ka wadahadli doona shir-weyne quseeya Soomaaliya, kaasoo 11-ka  bisha May ee sanadkan lagu qaban doono gudaha London, oo ay martigelisay Boqortooyada Ingiriisku.

Kani waa kulankii ugu horeeyay ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo bishii Febaraayo ee sandkan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*