Shirkada isgaarsiinta Golis oo dhaqaale dhan $250,000 ugu deeqday gurmadka abaaraha Puntland

Shirkada isgaarsiinta Golis oo dhaqaale dhan $250,000 ugu deeqday gurmadka abaaraha Puntland. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Shirkada isgaarsiinta Golis oo dhaqaale dhan $250,000 ugu deeqday gurmadka abaaraha Puntland. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Shirkada isgaarsiinta Golis ayaa shalay oo Isniin ahayd dhaqaale dhan $250,000 ugu deeqday abaarta daran ee ka jirta gobolada Puntland.

Dhaqaalaha ayaa maamulka shirkada Golis waxa ay ku wareejiyeen guddiga culimada ee gurmadka aabaraha Puntland.

Guddiga culimada ee gurmadka abaaraha Puntland ayaa shirkada Golis uga mahadceshay dhaqaalaha ay ugu deeqeen wax ka qabashada abaaraha.

Munaasabada dhaqaale wareejinta oo ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka shirkada Golis oo ay kamid ahaayeen mareeyaha Golis Sciid Aadan Gaws iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga boorka Luqmaan Maxamuud Axmed. Dhanka culimada waxaa kamid ahaa Shiikh Daahir Aw-cabdi, Shiikh Axmed Daahir Xasan Xuseen, Shiikh Axmed Yuusuf Daad iyo Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga gurmadka culimada ee abaaraha Puntland.

Ku dhawaad 1.5 milyan oo reer guuraa ah ayay saameysay abaarta ku dhufatay gobolada Puntland.

Shirkada Golis waa shirkada isgaarsineed ee ugu weyn Puntland, qiyaastii 3 milyan dad ka badan ayaa isticmaala adeegyada shirkada.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*