Wasiir Juxa oo shir looga hadlayo arrimo ku saabsan Soomaaliya uga qeybgalay dalka Finland

Wasiir Juxa oo shirka ka hadlaya gudaha magaalada Helsinki. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warbaahinta Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Helsinki-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaan Juxa ayaa shir uga qwybgalay magaalada Helsinki ee dalka Finland, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee wasiirka.

Shirka ayaa diirada lagu saaray dib-u-heshiisiinta, federaalka, arrimaha amniga gudaha, taakulaynta iyo tayaynta ciidanka qalabka sida, waxbarashada, arrimaha xuquuqul insaanka iyo haweenka.

Kulanka ayaa wasiirka waxaa kala qeybgalay Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuququl Insaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*