Video: Garaad Abshir Saalax Maxamed oo lagu aasay tuulada Balicad

3
Garaad Abshir Garaad Maxamed oo lagu aasay tuulada Balicad ee gobolka Hiiraan.

Buuhoodle-(Puntland Mirror) Aas balaaran ayaa loogu sameeyay tuulada Balicad ee gobolka Cayn Garaad Abshir Saalax Maxamed oo dhawaan ku geeriyooday dalka Sweden.

Aaska Garaad Abshir ayaa waxaa ka qayb galay kumanaan dad ah oo ka gala yimid gobolada dalka iyo dibadaba.

Isimada waa weyn ee ka qayb galay aaska Garaad Abshir ayaa waxaa kamid ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.

Salaada janaasada kadib isimada aaska ka qayb galay oo meesha ka hadlay ayaa ku tilmaamay Garaad Abshir inuu ahaa nin ilaah ka cabsi badan oo wax badan kasoo shaqeeyay wanaaga bulshada Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo muuqaalka aaska Garaad Abshir Saalax Maxamed.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*