Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo Gaalkacyo dib ugu noqday

Gaas oo Gaalkacyo galabta ka dagay
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali oo Gaalkacyo dib ugu noqday maanta oo Sabti ah. Xuquuqda Sawirka: Puntlandnew.com.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf Axmed  ee Gaalkacyo ku soo dhaweeyay madaxweyne kux xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay, duqa degmada Gaalkacyo, guddoomiyaha gobolka Mudug, saraakiil dowlada ah iyo dad weyne shacab ah.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa asbuucyadii ugu dambeeyay safar dibada ugu maqnaa waxaana kamid ah wadamada uu tagay, Itoobiya, Turkiga iyo Jabuuti.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*