Haa, waan dhintay,’ Madaxweyne Mugabe oo ku kaftamay markii uu ku noqday Zimbabwe

President-Robert-Mugabe
Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert-Mugabe.

Harare-(Puntland Mirror) Madaxweynaha 92-sanno jirka ah ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa tagay dalkiisa kadib markii uu dibada ku maqnaa taasoo keentay xan weyn oo ku saabsan xaaladiisa caafimaad wuxuuna ku kaftamay inuu dib u soo noolaaday.

“Haa, waan dhintay. Waa run waa dhintay. Dib baan usoo noqday sida aan mar walba samayn jiray. Markii aan dib ugu soo laabtay dalkayga run baan ahay,” Madaxweynaha aduunka ugu da’da weyn ayaa sidaa yiri maanta oo Sabti ah kadib markii uu yimid caasimada Harare.

Waxaa uu ka tagay shir goboleed uu Talaadadii ka qaybgalay, laakiin xogta duulimaadka ayaa muujinaya in uu u duulay magaalada Dubai.

“Waxaan arrimo qoys oo ku saabsan mid kamid ah caruurtayda u aaday Dubai,” ayuu Mugabe u sheegay saxaafada, isagoo aan faahfaahin bixin.

Afhayeenkiisa ayaa qaadacay warar sheegaya in Mugabe uu ku xanuunsaday banaanbaxyo looga soo horjeeday oo dhacay asbuucyadii dhoweyd.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeedin doono kulan dhalinyaro oo ka dhacaya xarunta xisbigiisa gelinka dambe maanta oo Sabti ah.

Dalka Zimbabwe ayaa la sheegayaa in dhaqaalihiisa uu hoos u sii dhacayo.

Mugabe ayaa xukunka hayay tan iyo 1980, in badan oo reer Zimbabwe ah waxay aaminsanyihiin in hoggaamiye kale aysan yeelan cimrigooda inta ka harsan.

Waxa uu sheegay in uu dib isku soo taagi doono doorashooyinka dhacaya 2018.

Dhawaan xaaskiisa, Grace, ayaa sheegtay in Mugabe haddii uu dhinto uu dalka ka maamuli doono qabuurta.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*