Ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo u dabaaldegay sanadguuradii 57-aad ee asaaskooda

Ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo u dabaaldegay sanadguuradii 57-aad ee asaaskooda. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay bishu ku beegantahay 12-ka April u dabaaldegay sanadguuradii 57-aad ee asaaskooda.

Munaasabadaha dabaaldega ee ciidamada ayaa ka dhacay intooda badan gobolada dalka.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray ciidamada, waxaana uu ugu hambalyeeyay dagaalka ay kula jiraan ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

“Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay in aan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad wanaagsan aysan weli guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka argagixisada, marka la barbardhigo ciidankeena.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada xooga dalka ayaa la asaasay 12-kii April sanadkii 1960. Burburkii kadib dalka ayaan wali yeelan ciidamo leh tababar sare oo isku dhafan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*