Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasimaha cusub ee haayada nabadsugida iyo sirdoonka

Mukhtaar Maxamed Xasan, agaasimaha cusub ee haayada nabadsugida iyo sirdoonka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa agaasime cusub u magacaabay haayada nabadsugida iyo sirdoonka Puntland.

Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee haayada nabadsugida iyo sirdoonka Puntland, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada saacadihii hore ee Talaadada.

Mukhtaar ayaa hadda ah wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland. Waxa uu bedeli doonaa Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub kaasoo xafiiska haayada joogay muddo sanad ah.

Digreetada laguma sheegin sababta keentay bedelista, balse falaanqeeyaasha ayaa sheegay in ay u muuqato tilaabo dib u habayn ah oo uu waday madaxweynuhu tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*