Ku dhawaad afar qof oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso

Gaari noociisu ahaa Toyota Propox ayaa siday arday dhigta dugsi sare oo kuyaala magaalada Boosaaso. [Isha Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso maanta oo Jimce ah.

Gaari noociisu ahaa Toyota Propox oo siday arday dhigta dugsi sare oo kuyaala magaalada Boosaaso ayaa shilka galay, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil katirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka.

Ku dhawaad sagaal arday oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaas, saraakiisha ayaa intaas ku daray.

Ardayda ayaa ku sii jeeday deegaanka Laag oo kuyaala duleedka magaalada Boosaaso halkaas oo maalmaha fasaxa ay dadku u tagaan dalxiis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*