Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ka qeybgali doona aaska Fiqi Bashiir Cabdulle Codweyn kaasoo kamid ah isimada Puntland. Fiqiga ayaa la filayaa in lagu aaso gudaha Gaalkacyo. Waxa uu ku dhintay daka Sweden horaantii bishaan.

Inta uu joogo Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona masuuliyiinta dowladda iyo dadka deegaan si ay uga wadahadlaan arrimo la xiriira ammaanka iyo horumarka ka jira gudaha magaalada, sida ay sheegeen ilo-wareedka madaxtooyada.

Intii lagu guda jiray xilliyadii dhawaa ee laga soo gudbay, masuuliyin dhowr ah oo dowladda katirsanaa ayaa lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*