Ugu yaraan 15 qof oo ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday xarun wasaaraddeed oo kutaala Muqdisho

Dad wada qof ku dhaawacmay qarax hore oo Muqdisho ka dhacay. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen wasaaradda arrimaha gudaha ee Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters, oo soo xiganaysa saraakiil katirsan booliiska.

Kahor inta aysan dagaalyahanadu gudaha u galin xarunta gaari laga soo buuxshay walaxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta wasaaradda, sida ay wararku sheegeen.

Saqar Ibaarin Cabdalla, oo ahaa wasiirkii ku xigeenkii shaqaalaha iyo arrimaha bulshada, ayaa lagu dilay weerarka kadib markii dablay hubeysan ay gudaha u galeen xarunta wasaaradda, sida ay sheegtay wakaalada wararka AP, oo soo xigatay ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Saqar Ibaarin Cabdalla,wasiir ku xigeenka shaqaalaha iyo arrimaha bulshada. [Isha Sawirka: Facebook]
Ku dhawaad 11 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida madaxa baabuurta gurmadka deg-dega ah ee AMIN uu u sheegay Reuters.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida afhayeenka howlgalada milatariga ee maleeshiyada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab uu u sheegay Reuters.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarka galabta, iyaga oo la sheegay in dablaydii gudaha u gashay xarunta wasarradda la dilay.

Waxa uu ahaa weerarkii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyadu ka fuliso gudaha caasimada, dabayaaqadii bishii Febaraayo weerar ay geysatay Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 25 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*