Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo isku-dhac ku dhexmari karo gobolka Sanaag

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo wefdiga Puntland u tilmaamaya inta ay isku jiraan labada ciidan. [Xishada Sawirka: Puntland TV]
Garoowe-(Puntland Mirror) Asbuucyadii u dambeeyay waxaa sii kordhaysay xiisad colaadeed oo ka jirta gobolka Sanaag oo u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Xiisada ayaa soo ifbaxday kadib markii horaantii bishaan ay deegaano gobolkaas kuyaala yimaadeen ciidamo wata gaadiid dagaal oo ka socda maamulka Somaliland.

Dhanka kale, ciidaamo aad u hubeysan oo katirsan dowladda Puntland ayaa gaaray deegaanka Yube ee gobolka Sanaag, iyaga oo saldhigyo ka sameystay duleedka Yube.

Sida ilowareedyo dadka deegaanka ah ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror, labada ciidan ayaa isku jira masaafo aad u gaaban, taasoo keeni karta isku dhac.

Maanta oo Khamiis ah, masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa gaaray jiida hore oo ay ku suganyihiin ciidamada Puntland, sida uu baahiyay taleefishinka dowladda Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo la hadlay Puntland TV ayaa sheegay in haddii Somaliland ay ciidamadeedka kala bixi weydo gobolka wixii ka dhasha ay masuuliyadeeda ay iyagu qaadi doonaan.

“Haddii ay ciidamadaas deg-deg ugu noqon halka ay ka yimaadeen, wixii ka yimaada masuuliyada iyaga qaadaya,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Dhawaan, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay daandaansi milatari ka wado gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay haddii Somaliland ay joojin weydo gardarada ay la kulmi doonto cawaaqib xumo.

Waxay u muuqataa in Puntland iyo Somaliland ay markale ku dagaalami karaan gobolka Sanaag, oo isagu ka xiisad yaraa marka loo barbardhigo dagaalka labada dhinac ku dhexmarayay gobolka Sool muddo sannooyin ah.

Sanadkii lasoo dhaafay, labada maamul ee deriska ah ayaa dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sanaag, halkaasoo ay weli isku horfadhiyaan labada ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*