Soomaaliya oo jeedisay in wadahadal lagu xaliyo khilaafaadka u dhaxeeya Wadamada Carabta

Calanka Soomaaliya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa ugu yeertay Wadamada Carabta in ay khilaafkooda ku xaliyaan iyada oo loo marayo wadahadal, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Horaantii todobaadkan, Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn, Isutaga Imaaraatka Carabta iyo Yemen ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*