Wadahadalada nabada Mudug ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo ka furmay magaalada Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi oo ka qeybgalay wadahadalada Gaalkacyo. [Xigashada Sawirka Facebook/habibfarah]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wadahadalada nabada Mudug ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug ayaa shalay oo Talaado ahayd ka furmay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka qeybgalay wadahadalada oo ujeedkoodu yahay sidii loo soo afjari lahaa colaada gobolka Mudug.

Ciidamo ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaalamay Gaalkacyo dabayaaqadii sanadkii 2016, boqolaal qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen colaadaas.

Sida ay ilo-wareeku sheegeen, labada dhinac ayaa soo saari doona war-murtiyeed kadib wadahadalada, oo socon doona ilaa saddex maalmood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*