Maxkamada rafcaanka gobolka Nugaal oo go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonta saddexda nin ee loo haysto kufsiga iyo dilka Caasho Ilyaas Aadan

Dubaha Maxkmadaha [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada rafcaanka gobolka Nugaal ayaa go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonta saddex nin kuwaasoo lagu xukumay dil kadib markii ay kufsadeen ayna dileen gabar 12-sanno jir ah, sida xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland uu sheegay maanta oo Isniin ah.

Maxkamada ayaa go’aankeeda gaari doonta 22-ka bisha June, sida uu sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax.

Horaantii bishii May, mackamada darajada kowaad ee Garoowe ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddexdaa nin, balse qareenadooda ayaa dalbaday rafcaan.

Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar da’ yar ayaa dabayaaqadii bishii Fabaraayo ee sanadkan lagu kufsaday laguna dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*