Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la kulmay qayb kamid ah murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya 2016

Murashixiinta Soomaaliya
Michael Keating oo la kulmay qayb kamid ah murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya. Sawirka: Twitter.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir u dhaxeeya qayb kamid ah murashixiinta madaxtinimda Soomaaliya iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhacay Khamiistii magaalada Muqdsho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan la kulmay qayb kamid murashixiiinta u taagan doorashada madaxtinimada Soomaaliya… waxaana wadaagnay aragtiyo ku saabsan hanaanka doorashada.” Sidaa ayuu ku yiri Michael Keating qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Sid ka muuqata sawirka uu Ergayga soo dhigay Twitter-ka, waxaa kamid ah murashixiinta uu la kulmay, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cali Xaaji Warsame iyo Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi.

Doorashada Soomaaliya ayaa lagu balansanyahay bisha September ee sanadkan 2016-ka, balse waxaan muuqan ifafaale ay doorasho ku dhacdo xilligaas, dhawaan ilo-wareed diblomaasi ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in doorashada ay dib u dhacday ilaa iyo bisha December ee dabaayaqada sanadkan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*