Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo ka digtay roobab mahiigaan ah oo khasaare geysan kara

Dad ku dhex lugeynaya waddo kutaala Qardho oo biyo ku fatahmeen. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Roobab mahiigaan ah oo khasaare geysan kara ayaa la sadaaliyay in ay ka di’i karaan deegaanada Puntland, sida lagu sheegay fariin digniin ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland maanta oo Khamiis ah.

Dadka ayaa la faray in ay ka guuraan meelaha hoose oo laga yaabo in fatahaada ka dhasha roobabka ay khasaaro u geysan karto.

“Waxaa dadweynaha lagu wargelinayaa in saadaasha hawadu sheegayso inay soo socdaan roob mahiigaan ah oo khasaare geysan kara. Hadaba waxaa la farayaa inay ka guuraan dhulka godan iyo meelaha biyo mareenka ah.” Fariinta ayaa sidaas u dhignayd.

Roobka Guga oo da’a bilaha April iyo May ayaa asbuucyadii dhawaa ee la soo dhaafay ka bilaabmay deegaanada Puntland.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday daadad ku dhuftay magaalada Qardho kadib roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay horaantii asbuucaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*