Dukaamo ganacsato Soomaali ah leeyihiin oo lagu gubay Koonfur Afrika

Koonfur Afrika
Dukaamo ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin oo lagu gubay dalka Koonfur Afrika. Sawirka: Radio Muqdisho.

Cape Town-(Puntland Mirror) Dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu gubay dalka Koonfur Afrika, kuwo kalena waa la boobay.

Dhibaatada ayaa ka dhacday magaalada Mbkweni ee gobolka Western Cape.

Magaalada ayaa waxaa ka socda mudaaharaadyo balaaran kadib markii shacabka magaaladaas loo diiday in ay guryo jiingado ah ka dhistaan dhul banaan.

Sidoo kale waxaa la boobay dukaamo kale oo ay leeyihiin dad ajaaniib ah oo ay kamid yihiin Itoobiyaan.

Tobankii sanno ee u dambaysay dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay tobonaan ganacsato Soomaaliyeed waxaana lagu boobay hanti kumanaan dollar lagu qiyaasay.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*