Qurbajoogta Puntland oo Garoowe shir ku yeeshay

Shirka qurbajoogta
Qurbajoogta shirka ka qaybgashay. Sawirka: Xafiiska warbaahinta madaxtooyada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Shir qurbajoogta Puntland ay lahaayeen ayaa xalay ka dhacay huteelka Jubba ee caasimada Puntland, Garoowe.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo ku-xiigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camay.

Waxaa kale oo shirka ka qaybgalay qurbojoog badan oo dibada ka timid.

Mid kamid ah qurbajiigta  shirk aka qaybgalay oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii qurbajoogta ay dalka maalgelin uga samaysan lahaayeen si ay uga faa’iideeyaan dalka dhaqaalahooda iyo cilmigooda.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo marwada Madaxweynaha. Sawirka: Xafiiska warbaahinta madaxtooyada.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo shirka ka hadlay ayaa qurbajoogta ku amaanay kaalinta horumarineed ee ay dalka ka geystaan wuxuuna ku dhiiri-geliyay in ay sii labo jibaaraan dadaalkooda ku aadan horumarinta dalkooda.

Qurbajoogta Puntland ayaa door weyn kaga jira horumarinta iyo koboca dhaqaalaha Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*