Nin lagu eedeeyay in uu maleeshiyada Daacish u duubi jiray muuqaalada oo maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

 

Eedaysane Jaamac Xuseen Xasan. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Nin lagu eedeeyay in uu maleeshiyada Daacish u duubi jiray muuqaalada ayaa maanta oo Sabti ah kasoo muuqday maxkamada ciidamada Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa bishii lasoo dhaafay ee April soo qabtay isaga oo miino ku aasayay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedaysanaha ayaa maxkamada ka dhex qirtay in uu katirsanyahay kooxda Daacish.

Saraakiisha ammaanka ayaa maxkamada horteeda keenay cadeymo ay kamidyihiin kaamiro ay ku duubanyihiin muuqaalo falal argagixiso, taasoo laga helay guriga eedaysanaha oo lagu magacaabo Jaamac Xuseen Xasan.

Sidoo kale saraakiisha dambi barista ayaa sheegay in ay ogaadeen in Jaamac uu falal argagixiso oo dilal kamidyihiin uu ka geystay magaalada Boosaaso ee Puntland.

Guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray dhageysiga maxkamada, waxaana uu sheegay in go’aanka ugu dambeeya ee maxkamada ay dib kasoo sheegi doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*