Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump oo ka digay in doorashada Maraykanka noqoto ‘mid la qorsheeyay’

Donald Trump
Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump . Sawirka: Bloomberg.

Washington-(Puntland Mirror) Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Maraykanka ee bisha November ay noqon karto mid la qorsheeyay.

Trump oo kala qaybgalay taageerayaashiisa munaasabad banaanbax ah oo ka dhacday Columbus, Ohio, ayaa sheegay inuu in badan maqlay in doorashada ay tahay mid aan cadaalad ahayn. Ma uusan soo bandhigin wax cadayn ah.

“Waxaan ka baqayaa in doorashada noqoto mid la qorsheeyay, anigu waxaan ahay daacad”. Trump ayaa sidaa u sheegay taageerayaashiisa.

Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa 8 bisha November ee dabayaaqada sanadkan ku loolamaya madaxweynaha dalka Maraykanka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*