Somaliland

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka]

Madaxweyne Farmaajo oo codsaday in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, sida lagu sheegay bayaan. “Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.” Ayuu bayaan ku yiri Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Talaado[Read More…]

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka bilaabmay meel u dhow deegaanka Tukaraq. [Sawirka[

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka bilaabmay meel u dhow deegaanka Tukaraq

Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa ka bilaabmay meel u dhow deegaanka Tukaraq, sida uu sheegay masuul. Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe maanta oo Talaado ah, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay weerar ku soo qaadeen ciidamadooda ku sugan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Waxa uu[Read More…]

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku weydaarsaday meel u dhow Tukaraq. [Sawirka]

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku weydaarsaday meel u dhow Tukaraq

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa subaxnimadii saakay oo Isniin ah madaafiic isku weydaarsaday meel u dhow tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, ilo-wareed katirsan ciidamada Puntland, oo codsaday in magaciisa aan la sheegin, ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror. Markii hore, Somaliland ayaa madaafiic ku soo riday kadib markii ciidamada Puntland ay aaga ka sameeyeen dhaqdhaqaaq. Ilo-wareedka katirsan Puntland[Read More…]

Ciidanka isa soo dhiibay waxay qeyb ka ahaayeen guutada Gacan Libaax oo katirsan ciidamada Somaliland. [Screenshot]

In ka badan 100 askari oo Somaliland katirsan oo isku soo dhiibay Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) In ka badan 100 askari oo Somaliland katirsan ayaa isku soo dhiibay Puntland, taleefishinka dowladda ee PL TV ayaa ku waramay fiidnimadii Axada. Ciidanka isa soo dhiibay ayaa waxaa deegaanka Har-wanaag ee gobolka Sool ku soo dhaweeyay taliyeyaal katirsan ciidamada Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne. Waxay qeyb ka ahaayeen guutada Gacan Libaax oo katirsan ciidamada[Read More…]

Intii lagu guda jiray shirkii golaha wasiiradda Puntland ee Khamiista. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]

Golaha wasiiradda Puntland oo sheegay in Somaliland aysan sii joogi doonin dhulka Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa fariin digniin ah u dirtay Somaliland in ay joojiso dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay ka wado gobolka Sool, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda. Golaha wasiiradda Puntland, oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay kadib shirkii Khamiista in “Somaliland aysan joogi doonin dhulka Puntland”. Arrintan ayaa imaanaysa iyada[Read More…]

Is mariwaaga ciidan ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq oo galay bishii afraad. [Sawirka]

Is mariwaaga ciidan ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq oo galay bishii afraad

Garoowe-(Puntland Mirror) Is mariwaaga ciidan ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq ayaa hadda galaya bishiisii afraad. Dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisada ayaa fashilmay, sida ilo-wareedyo ku dhow arrinta ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror. Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, labada maamul ee deriska ah ayaa ciidamo geynaya saldhigyadooda kuyaala deegaanka, taasoo muujineysa in dagaal uu[Read More…]

Masuuliyiin ka socda DP World, Somaliland iyo Itoobiya oo asbuucaan heshiiska saami qeybsiga ku saxiixday Dubai [Sawirka]

Dowladda federaalka Soomaaliya oo sharci daro ku tilmaamtay heshiiska u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo shirkadda DP World

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamtay heshiiska u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda maanta oo Jimce ah. “Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay[Read More…]

Ciidamada isa soo dhiibay ayaa gaaraya 160 askari. [Sawirka: PLTV]

Ciidamo katirsanaa Somaliland oo isku soo dhiibay Puntland

Garowe-(Puntland Mirror) Ciidamo gaaraya 160 askari oo katirsanaa maamulka Somaliland ayaa isku soo dhiibay Puntland, sida uu baahiyay taleefishinka dowladda Puntland ee PLTV Axadii. Ciidamada ayaa ku sugnaa deegaanka Caroweyn ee gobolka Ceyn, sida uu PLTV sheegay. Xildhibaano katirsan Puntland oo joogay goobta ciidamadda lagu soo bandhigay, ayaa soo dhaweeyay ciidamadda isa soo dhiibay, waxayna balanqaadeen in xuquuqdooda ay ka[Read More…]

Ciidamo katirsan Puntland oo difaac uga jira tuulada Tukaraq ee gobolka Sool. [Sawirka]

Ciidamadda Puntland iyo Somaliland oo isku dhac ku dhexmaray meel u dhow Tukaraq

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan Puntland iyo Somaliland ayaa isku dhac ku dhexmaray meel u dhow tuulada Tukaraq ee gobolka Sool subaxnimadii saakay oo Axad ah, sida ay sheegeen ilo-wareed ciidamada ah. “Isku dhac u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa ka bilaabmay meel u dhow Tukaraq, balse hadda waa joogsaday,” ilo-wareedka, oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sidaa u sheegay[Read More…]

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating. [Xigashada Sawirka: UNSOM]

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka digay in xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay keeni karto rabshad

Garoowe-(Puntland Mirror) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in xiisada sii kordheysa ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee ku saabsan gobolka Sool ay keeni karto rabshad. “Waxaa jira muran aad u daran oo wakhti-dheer ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan ismari waaga hubeysan ee gobolka Sool, waxa uu keeni karaa rabshad maalmaha soo[Read More…]

Scroll Up