Ciidamada Puntland oo xubno looga shaki qabo Al-Shabaab ku qabtay magaalada Baran

Askar katitsan ciidamada ammaanka Puntland. [Sawir Hore]
Baran-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah saddex xubnood oo looga shaki qabo Al-Shabaab ku qabtay magaalada Baran ee gobolka Sanaag, sida ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan ay u sheegeen warbaahinta.

Hal mid oo kale ayaa ciidamadu ay toogasho ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsado, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Xubnaha ayaa ka yimid magaalada Ceerigaabo waxayna ku sii socdeen buuraha Galgala si ay ugu biiraan maleeshiyada Al-Shabaab, saraakiisha ammaanka ayaa intaas ku daray.

Ciidamada Puntland ayaa argagixisada Al-Shabaab kula dagaalamayay buuraha Galgala ee gobolka bari tan iyo sanadkii 2010.

Dowladda Puntland ayaa dhowr jeer oo hore Somaliland ku eedaysay in ay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab iyaga oo u fududeeya goobaha ay maraan dagaalyahanada Al-Shabaab ku biiraya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*