Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada maamulka Somaliland oo goostay

Sargaalka goostay, Jamaal Maxamed Baaxad. [Sawirka]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ka goostay ciidamada, sida ay sheegeen warbaahinta Somaliland.

Jamaal Maxamed Baaxad oo ahaa taliyaha guutada 3-aad ee ciidamada maamulka Somaliland ee Sanaag ayaa goostay Jimcadii, sida ay wararku sheegayaan.

Sargaalka goostay ayaa ku biiray Korneyl Siciid Cawil Caare oo isna horey uga baxay ciidamada maamulka Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa ku eedeeyay Puntland in ay saldhig siisay Korneyl Caare uuna ciidamo ku uruursanayo deegaano kuyaala Puntland. Caare ayaa ciidamada maamulka ka tagay bishii May kadib dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn, isaga oo ku eedeeyay maamulka Somaliland in aysan dhex-dhexaad ka aheyn dagaal beeleedka ayna la safatay qabiil kamid ah labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Sida ay sheegeen warbaahinta Somaliland, labada sargaal Gamaal iyo Caare waxay kamid ahaan jireen jabhadii SNM ee lasoo dagaalantay xukuumaddii Maxamed Siyaar Bare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*