Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo hawada ka celisay diyaarad nooca xamuulka qaada oo ka diiwaangashan waddanka Thailand

Diyaaradda ayaa ka diiwaangashan Thailand (registration P4-JAG). [Isha Sawirka: Plannesspotters.net]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa hawada ka celisay diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed maanta oo Khamiis ah.

Diyaaradda ayaa isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.” Ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*