Puntland oo ku eedaysay Somaliland weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada ee deegaanka Bali-Khadar

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf “Dowlad”oo saxaafada kula hadlayay Garoowe June 2, 2018. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa ku eedaysay Somaliland in ay soo qaaday weerarkii xalay ka dhanka ahaa saldhig kuyaala deegaanka Bali-Khadar ee Buuraha Galgala.

Shir saxaafadeed uu Garoowe ku qabtay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf “Dowlad” ayaa yiri: “Dowladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in xalay oo bishu ahayd 2-da June 2018, saqdii dhexe in ay argagixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab iyo maleeshiyaadaka Hargeysa oo ay hoggaaminayaan saraakiil katirsan maleeshiyaadka Hargeysa saraakiishaas oo uu kamidyahay Maxamed Cabdullaahi Bataal kana tirsan guutada sideedaad ee maamulka Hargeysa una dhashay beesha Isaaq Habarjeclo, isla markaana degan magaalada Ceerigaabo ay weerar ku soo qaadeen saldhiga Bali-Khadar ee Puntland halkaasna ay kala kulmeen jab xoogan dhimasho badana ay kasoo gaartay ciidanka Puntland waxaa soo gaaray khasaare kooban si geesinimo lehna ayay isaga difaaceen,”

“Waxaan sidoo kale u xaqiijineynaa ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in maamulka Hargeysa iyo argagixisada caalamiga ah ay isku milmeen kana mideysanyihiin waxyeelaynta iyo deganaansho la’aanta ummada Soomaaliyeed dhammaanteed.” Ayuu kusii daray.

Ugu yaraan shan askari oo katirsan Puntland ayaa ku dhimatay weerarka Bali-khadar, sida aanu kasoo xiganay ilo-wareed milatari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*