Qarax miino oo lagu dilay masuuliyiin katirsan maamul goboleedka Hir-Shabelle

Qarax gaari. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe maanta oo Sabti ah, sida ay wararku sheegayaan.

Qaraxa oo lala beegsaday masuuliyiin katirsan maamul goboleedka Hir-Shabelle ayaa ka dhacay deegaanka Golooley oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Taliyaha ciidanka booliiska Hir-Shabelle Xasan Dhicisow Xasan ayaa warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya u sheegay in qaraxa miinada ay ku dhinteen madaxii maaliyada gobolka Shabeellaha Dhexe, wasiirkii hore ganacsiga Hir-Shabelle, iyo nin kale oo katirsanaa haayadaha samafalka.

Waxay saarnaayeen gaariga nooca raaxada ah marka qaraxu uu dhacay, sida ilo-wareedyadu ay sheegeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabiyeen warbaahinta ku hadasha afkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*