Al-Shabaab oo caaruur ka badan 100 ka afduubatay gobolka Bakool

Caruur iskuul. [Isha Sawirka: Xinhua]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa gobolka Bakool ka afduubatay caruur ka badan 100 oo kunoolaa halkaas.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool Cali Cabdinuur Iimaan ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay deegaamo hoosyimaada Tiyeeglow ka afduubteen caruurta.

Maleeshiyada ayaa afduubka ka bilowday deegaanka Ceel Garas ee gobolka Bakool, halkaas oo ay maalin keliya ka afduubteen in ka badan 60 caruur ah iskuul ah, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Tiyeeglow.

Cabdinuur ayaa sheegay in caruurta ay Al-Shabaab afduubteen ay da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 9 sanno jir.

Waxa uu intaas ku daray in maleeshiyadu ay waalidiinta dhalay caruurta ku wargelisay in ay dhalaankooda keenaan cidii amarka diidana ay la kulmi doonto ganaax xabsi iyo lacag ah.

Al-Shabaab ayaa sanadihii lasoo dhaafay caruur badan ka afduubatay gobolada koonfurta Soomaaliya si ay ugu adeegsadaan ciidan ahaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*