Murashaxa madaxweynaha Soomaaliya Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka digay macquulnimada in doorashada madaxweynaha ay dib u dhacdo

Murashaxa madaxweynaha Soomaaliya, Jibriil Ibraahim Cabdulle. [Sawirka: Puntland Mirror]
Murashaxa madaxweynaha Soomaaliya, Jibriil Ibraahim Cabdulle. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Murashaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay dib u dhigida wakhtigii loo qorsheeyay doorashada madaxweynaha isaga oo daliishanaya sida gaabiska leh ay u socoto hanaanka doorashooyinka aqalka hoose.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah murashax madax-banaan ayaa sidoo kale sheegay in guddiga doorashada aysan iclaamin ujeedada dib u dhigida doorashada.

“Waxay u muuqataa in doorashadii madaxweynaha aan la qaban doonin wakhtigeedii  sababtoo ah ilaa iyo hadda ma muuqdaan cadaymo muujinaya in doorashada aqalka hoose wakhtigeedii la dhammaynayo,” ayuu yiri Jibriil.

Hadalka murashaxa ayaa imaanaya iyadoo walaac laga qabo in doorashada ay 30-ka bishaan November qabsoomi Karin.

Ilaa iyo hadda 115 cildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 43 aqalka sare ah ayaa lasoo doortay. Aqalka hoose ayaa ka kooban 275 xildhibaan halka aqalka sare uu koobanyahay 54 xildhibaan. Maamulka sheegay in uu  goostay ee Somaliland ayaan wali la dooran xildhibaanadoodii aqalka hoose iyo aqalka sare.

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii lasoo dhaafay sheegtay in lacago badan oo laaluush ah loo adeegsaday doorashooyinka aqalka hoose iyo aqalka sare.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*