Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay in gudaha Boosaaso laga bilaabay howlgal lagu uruurinayo hubka sharci darada ah

Sawirka: Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Haayadaha ammaanka Puntland ayaa gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ka bilaabay howlgalo lagu uruurinayo hubka sharci darada ah ee ku jira gacanta shacabka, sida uu sheegay masuul dowladda katirsan.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boosaaso shalay oo Talaado ahayd ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in lagu qabto hubka sharci darada ah oo shacabka gacanta ugu jira.

“Waxaan jeclahay in aan u sheegno shcabkeena in ayaamahaan ay jiraan baaritaano lagu hayo magaalada taasoo la rabo in laga nadiifiyo hubka aan sharciga ahayn dadka haysta,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu ku sii daray: “Shacabka waxaan u sheegaynaa in ay la shaqeeyaan ciidanka booliiska oo heegan u ah in ay iyaga u shaqeeyaan oo ay amnigooda sugaan,waxaan u sheegaynaa cidii haysata hub sharci daro ah in ay yimaadaan Wasaaradda Amniga si loogu sharciyeeyo.”

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in wixii hub ah oo ka weyn qoriga AK-47 aan loo ogoleyn in ay ku jiraan gacanta shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*