Baarlaamanka Puntland oo ka laabtay in ay dood ka yeeshaan heshiiska DP World ee dekada Boosaaso

Guddoonka baarlamaanka oo u gacantaagaya arrinta, Nov 28, 2020, Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland Parliament]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlaamanka Puntland ayaa u codeeyay maanta oo Sabti ah in aysan wax dood ah ka yeelan heshiiska DP World ee dekada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha baarlamaanka oo lagu daabacay boggooda Facebook-ka.

Qoraalka kasoo baxay baarlamaanka ayaa lagu sheegay in codsi ka yimid madaxweynaha arrintaas loo dhaafay golaha xukuumadda.

Asbuucii lasoo dhaafay, baarlamaanka ayaa isku raacay in ay ka doodaan heshiiska DP World ee dekada Boosaaso inta uu socdo kalfadhigooda.

2017, xukuumaddii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa heshiis la saxiixatay shirkada DP World si ay u horumariso una maamusho dekada Boosaaso muddo soddon sanno ah, balse ilaa iyo xilligaas ma jirto wax shaqo ah oo shirkadu ay bilowday si ay u balaariso dekada, oo ah il-dhaqaaleedka ugu weyn ee dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*