Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo xafiiska la wareegay

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasibadii xilwareejinta. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah xafiiska u kala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib munaasibad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Xasan Shiikh oo 66-sanno jir ah, oo Soomaaliya soo hoggaamiyay 2012 ilaa 2017, ayaa 16-ka May dib markale loo doortay.

Wareysi u dhawaan siiyay idaacada VOA Somali ayuu ku sheegay in ammaanka, xasiloonida siyaasadda iyo dib u habaynta dhaqaalaha uu maamulkiisa cusubi diiradda saari doono boqolka maalmood ee u horeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*