Puntland oo beenisay waraaq lagu sheegay in Madaxweyne Cabdiweli uu u qoray Farmaajo

Madaxtooyada Puntland. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa beenisay in Madaxweyne Cabdiweli uu waraaq u qoray Madaxweyne Farmaajo si uu uga codsado taageero kadib dagaalkii Tukaraq, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland xalay.

Bayaanka, ayaa lagu sheegay in waraaqda wareegaysa warbaahinta bulshada ay tahay mid been abuur ah oo ay soo sameeyeen gooni u goosadka Somaliland.

Puntland ayaa intaas ku dartay in waraaqda been abuurka ah ay muujineyso sida ay Somaliland u rabto in ay u jaah wareeriso beesha caalamka.

Sidoo kale, Puntland ayaa xustay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn dagaalka, aysana qeyb ka noqon doonin mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa sheegtay in ay ku mashquulsaneyd la dagaalanka argagixisada sida Al-Shabaab iyo ISIS, waxayna ku eedaysay Somailand in ay taageero iyo gabaad siiso cadowgaas.

“Waa sir muuqata in Somaliland ay xiriir wadaag la leedahay Al-Shabaab iyo ISIS,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*