Agaasimihii madaxtooyada Boosaaso ee Puntland oo koox hubaysan ku dileen Boosaaso

aadan-gaas
Agaasimihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Aadn Gaas Huruuse. [Xuquuqda Sawirka: Horseed Media]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Agaasimihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Aadan Gaas Huruuse ayaa caawa oo Talaado ah koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ku dileen magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Nimanka dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, sida ay xaqiijiyeen dadka goobjoogayaasha ah.

Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay masuuliyada dilkaas, si kastoo ay ahaataba maleeshiyada Al-Shabaab ayaa badanaa geysata weeraradaan oo kale kaasoo lagu bartilmaameedsado saraakiisha dowladda Puntland ee ku sugan Boosaaso.

Dilkan ayaa imaanaya wax ka yar hal asbuuc, kadib markii taliye ku xigeenkii booliiska Puntland lagu dilay weerar ka dhacay Boosaaso, oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*