Dagaalyahanada ISIS oo la wareegay magaalo xeebeedka Qandala ee Puntland

isis-in-puntland
Dagaalyahanada ISIS ee jooga gudaha gobolka Bari ee Puntland. [Sawirka: Snapshot]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dagaalyahano hubaysan oo katirsan garabka ISIS ee Soomaaliya ayaa la wareegay magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari ee Puntland, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha.

Duqa Qandala, Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa saxaafada maxaliga ah u sheegay in dagaalyahanada ISIS ay la wareegeen magaalada.

“In ka badan 50 dagaalyahan oo ISIS ah ayaa qabsaday magaalada subaxnimadii Arbacada…. kadib markii ay soo galeen gudaha magaalada si dhaqso ah bay calankooda madow u sureen magaalada dhexdeeda,” ayuu yiri Jaamac Maxamed Khuurshe.

“Intooda badan dadkii shacabka ahaa waa ay ka carareen magaalada kadib markii ay kooxda soo galeen magaalada saakaydii hore.” Ayuu ku daray.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Puntland Mirror in koox hubaysan oo ISIS ah ay soo weerareen magaalada saakay oo Arbaco ah haddana ay gacanta ku hayaan magaalada.

“Ugu yaraan 70 maleeshiyo ah oo ka socda ISIS ayaa qabsaday magaalada saakay iska cabin la’aan,” sidaa waxaa yiri qof deegaanka ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Bishii April ee sanadkan, ku dhawaad 20 dagaalyahan oo uu hoggaaminayo sarkaal hore oo AlShabaab ahaa, Cabdiqaadir Muumin ayaa kasoo muuqday muuqaal lagu baahiyay You Tube-ka, Muumin iyo kooxdiisa ayaa iclaamisay in ISIS ay saldhigoodii kowaad ka furatay gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*