Masuuliyiinta sare ee DFS oo ka qaybgalay salaada janaasada marxuum Goobaale oo shalay lagu dilay Muqdisho

salaada-janaasada-marxuum-goobaale
Masuuliyiinta DFS iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka qaybgalay salaada janaasada marxuum Goobaale. Sawirka: Villa Somalia.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Masuuliyiinta sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka qaybgalay salaada janaasada ee marxuum Maxamed Rooble Jimcaale sidoo kale loo yaqiin Goobaale oo shalay ku dhintay weerar isbiimayn ahaa oo ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka qaybgalay salaada janaasada ee maydka.

Xasan Shiikh oo hadal kooban jeediyay salaada janaasada kadib ayaa ku tilmaamay Goobaale in uu ahaa geesi ka dhintay shacabka Soomaaliyeed.

“Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka. Waxaa uu ka soo baxay kaalintii kaga aaddaneyd ciribtirka cadowga Al-Shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa salaada janaasada ka qaybgalay hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Goobaale ayaa ahaa taliye ku xigeenka ciidamada militariga ee dowlada feeraalka Soomaaliya sidoo kalena waxaa uu ahaa taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Goobaale iyo lix kamid ahaa ilaaladiisa ayaa shalay oo Axad ahayd geeriyooday kadib markii qof naftiis halige ah uu qarax gaari oo miidaysan ku dhuftay gaariga taliyaha.

Kooxda hubyasan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay baahisay idaacadooda Andalus.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*