Nimanka dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, sida ay xaqiijiyeen dadka goobjoogayaasha ah.
Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay masuuliyada dilkaas, si kastoo ay ahaataba maleeshiyada Al-Shabaab ayaa badanaa geysata weeraradaan oo kale kaasoo lagu bartilmaameedsado saraakiisha dowladda Puntland ee ku sugan Boosaaso.
Dilkan ayaa imaanaya wax ka yar hal asbuuc, kadib markii taliye ku xigeenkii booliiska Puntland lagu dilay weerar ka dhacay Boosaaso, oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.