Maxamed Cabdi Kaariye oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug iyadoo khilaaf weyn uu ka jiro doorashada

Maxamed Cabdi Kaariye. [Sawir Hore]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa Maxamed Cabdi Kaariye u doortay madaxweyne cusub maanta oo Axad ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal.

Maxamed Cabdi Kaariye oo loo yaqaan Qoor Qoor ayaa helay 66 cod wareegii kowaad ee doorashada, halka ninkii ugu dhawaa ee la tartamayay uu helay 9 cod oo keliya.

Doorashada ayaa waxaa ka dhashay muran kadib markii qaar katirsan musharixiinta ay qaadaceen, iyagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay farogelin ku sameysay doorashada iyadoo taageeraysa Qoor Qoor.

Galmudug waxay kamid tahay shanta dowlad goboleed ee Soomaaliya. Waxaana la degay khilaaf muddo soo socday.

Madaxweynaha cusub waxa uu wajahayaa caqabado badan oo ay kamidyihiin khilaafka doorashada ka dhashay iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo maamusha deegaano badan oo kuyaala Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*