Aabe iyo labo caruur uu dhalay oo ku dhintay madfac hoobiye oo ku dhacay gurigooda Muqdisho

Guriga uu madfaca hoobiyuhu ku dhacay oo ay ka muuqato burburka. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex qof oo ka koobnaa aabe iyo labo caruur ah oo uu dhalay ayaa geeriyooday kadib markii gurogooda oo kuyaala degmada Waaberi ee Muqdisho uu ku soo dhacay madfac hoobiye saakay oo Talaado ah, sida uu sheegay aabaha dhalay.

Macalin Maaday Muuday Ibraahim oo ah aabaha dhalay ninka iyo caruurtiisa uu madfac ku dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in madfacu uu ku dhacay qoyska aroortii hore ee Talaadada kaasoo dilay aabaha iyo labo caruur ah oo wiil iyo gabar ahaa, halka hooyadii iyo labo caruur oo kale ay dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada madaafiicdaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horey sidaan oo kale Muqdisho uga geysatay weeraro hoobiyeyaal ah oo intooda badan khasaare ka soo gaaray dad shacab ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*