Siyaasiyiin hore oo wada dadaadlo xal-raadinta khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyadoo khilaaf ka taaganyahay shirguddoonka isimada

Cumar iyo Cabdiweli oo kulan la yeeshay Islaan Ciise. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaairihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wada dedaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland ee ku saabsan doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Masuuliyiinta hore oo asbuucaan yimid Garoowe, ayaa wadahadalo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, iyo odayaasha dhaqanka.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hanaanka doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan masuuliyiintan hore, balse kulan uu madaxweyne Deni la yeeshay madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Cabdiweli oo qeyb ka ahaa dadaalka ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, kadib markii Deni uu diiday in uu bedelo qorshihiisa barnaamijka lagu muransanyahay ee xisbiyada badan, iyadoo Cabdiweli uu kula taliyay in uu qabto doorasho ay raali ka wadayihiin dhammaan saamilayda siyaasadda, sida ilo-wareedyo shirka ka warhaya ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashooyinka ay ku dhacaan nidaamka xisbiyada badan oo aan lagu noqon nidaamkii hore ee odayaasha dhaqanka ay soo xuli jireen xildhibaanada oo dooran doona madaxweynaha, balse siyaasiyiinta mucaaradka ayaa diidan iyagoo ku eedeeyay madaxweyne Deni in uu doonayo ku darsi sharci daro ah ama uu rabo in uu qabto doorasho aan xalaal ahayn oo uu ku shubto.

Bishii la soo dhaafay, Garoowe waxaa ka dhacay isku dhac dhiig ku daatay oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwo taageersan mucaaradka oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

Shirka isimada

Kadib isku dhicii ka dhacay Garoowe, isimada Puntland ayaa la filayay in ay shir isugu yimaadaan Garoowe, balse shirka ayaa u muuqda mid aan deg-deg ku qabsoomi karin maadaama uu khilaaf ka taaganyahay shirguddoonka. Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isku haya shirguddoonka.

Shirguddoonka ayaa waxaa haystay Islaan Maxamed oo uu dhalay Islaan Ciise kaasoo isna markii uu aabihiis dhintay 2004-tii intii ka dambeysay sii waday shirguddoonka isimada Puntland. Sanado hore ayaa sidaan oo kale gaar ahaan 2018-kii uu u dhacay khilaafka shirguddoonka oo Boqor Burhaan, oo ah Boqorka Daarood, ku andacooday in uu isagu xaq u leeyahay marka loo eego taajkiisa.

Qeyb kamid ah isimada Puntland oo ay kamidyihiin Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Uagaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa ku sugan Garoowe, halkaas oo la filayo in uu ka dhaco shirku, kaasoo isimada oo ah marjaca ugu sareeya ee Puntland ay uga arrinsan doonaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland iyo hanaanka doorashooyinka 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*