Taliyihii saldhiga dhexe ee ciidamada booliiska Gaalkacyo oo lagu dilay qarax

Sawirka: Ciidamo katirsan booliiska Puntland.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyihii saldhiga dhexe ee ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa lagu dilay qarax, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Taliyaha ayaa bumbo gaarigiisa loogu rakibay ku qaraxday saakay oo Arbaco ah gudaha magaalada Gaalkacyo, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weerarkaas lagu dilay taliyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*