Madaxweynaha Puntland oo Cabdinaasir Biixi Soofe u magacaabay agaasimaha madaxtooyada

Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Puntland, Cabdinaasir Biixi Soofe. [Sawirka: Archive]
Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Puntland, Cabdinaasir Biixi Soofe. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah Cabdinaasir Biixi Soofe u magacaabay agaasimaha madaxtooyada, sida ay tilmaamayso digreeto ka soo baxday madaxtooyada oo ku taarikhaysnayd 24-ka Febaraayo, 2017, oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

Magacaabida madaxweynaha ayaa imaanaysa saacado yar kadib markii agaasimihii madaxtooyada Deeq Suleymaan Yuusuf uu iska-casilay booskiisii.

Intii u dhaxaysay 2014-kii ilaa iyo 2015-kii, Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa soo noqday agaasimaha guud ee ciidamada ilaalada badda Puntland ee PMPF.

Labadii sanno ee u dambaysay, tobonaan saraakiisha dowladda Puntland katirsanaa oo ay ku jireen wasiiro ayaa iska-casilay boosaskoodii.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*