Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa kormeeray saldhigyada ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaanka, waxaana uu la kulmay saraakiisha ciidamadda, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Safarka Saylici ayaa imaanaya iyadoo muranka xadka ee u dhaxeeya Puntland iyo Somailand uu sii kordhayo.
Labada maamul ee deriska ah ayaa ciidamo badan geeyay gobolka Sool, isku dhac ayaana dhici kara wakhti walba.
Muranka xadka ee u dhaxeeya labada dhinac ayaa soo cusboonaaday kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo ka socda Somaliland ay qabsadeen tuulada Tukaraq horaantii bishaan.
Be the first to comment